Hotel ku yaalla degmada Baraawe oo la weeraray iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Iska horimaad culus ayaa xalay ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose kaasoo dhexmaray ciidamada dowlada ee halkaas ku sugan iyo dabley ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadku uu bilowday markii xoogag taabacsan Al-Shabaab ay weerareen hotel ku yaalla degmadaas oo la sheegay iney degan yihiin masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur galbeed.

Ciidamo ilaalo ka ahaa hotelkaas iyo dableyda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay iney fooda is dareen, iyadoo dadka degaanku sheegeen iney maqlayeen rasaas iyo qaraxyo.

War ay soo saartay Al-Shabaab ayey ku sheegeen iney ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday hotelkan oo ay sheegeen iney degan yihiin masuuliyiin iyo saraakiil, waxayna intaa ku dareen iney dileen qaar ka mid ah ilaaladii halkaas ku sugneyd, ayna khasaare u geysteen hotelka.

Marka laga yimaado sheegashada Al-Shabaab, ma jiraan warar madax banaan oo sheegaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maamulka degmada Baraawena kama hadlin illaa hadda dhacdadan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -