Sawir uu Trump soo dhigay Twitterka oo dhaliyay hadal heyn iyo maadeys (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump ayaa sawir hadal heyn badan dhaliyay soo dhigay barta uu Twitterka iyo Facebooka ku leeyahay, sawirkan ayaana abuuray in Madaxweynaha lagu maadeesto .

Donald Trump ayaa barihiisa soo dhigay sawir uu leeyahay aktarka caanka ah ee Sylvester Stallone ee loo yaqaan Raambo, sawirkan ayaana madaxweynaha ka jaray madaxa kore isagoona ku dhajiyay sawirka wajigiisa si isaga loogu moodo.

Sawirkan oo lagu tilmaamay mid been abuur ah ayaa Madaxweyne Trump soo dhigay barihiisa isagoona wax hadal ah raacin, waxaana sawirkan baraha bulshada ka abuuray hadal heyn badan iyo in dadka qaar ka dhigtaan maadeys.

Madaxweyne Donald Trump sawirkan uu madaxiisa ku dhajiyay ayaa la qaaday sanadkii 1982-dii , waxaana sawirkan uu qeyb ka ahaa filimka caanka ah ee Rocky IV uu jilay aktarka Sylvester Stallone.

Waxaa dad badan isweediinayaan sababta Madaxweyne Trump ku xumbaartay in baraha bulshada soo dhigo sawir uusan laheyn balse xatooyo ku sameeyay, waxaana dad badan sawirkan ka dhiibteen aragtiyo maad inta badan u badnaa.

Boqolaal kun oo qof oo isticmaala baraha bulshada ayaa ka felceliyay sawirkan Trump soo dhigay baraha bulshada, waxaana dad badan fariimo ku aadan sawirkan u reebeen Madaxweyne Donald Trump.

“Waa wax lala yaabo in madaxaweyne dhan u sawir uusan lahayn soo badelo oo haddana dadka la wadaago, waxay taas ka tarjumeysa qaabka uu u fikiro madaxweyne Trump ” ayuu yiri ruux aragti ka dhiibtay Sawirka Trump.

Dadka aragtiyada ka dhiibtay sawirkan ayaa qaarkood isweediiyay cida maamusha baraha bulshada uu leeyahay Madaxweyne Trump, waxa ayna Madaxweynaha ugu baaqeen in uu ka fiirsado waxyaabaha qaar uu soo dhigo baraha bulshada.

85680397

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -