Allbanaadir.com
NEWS

Milateriga Israel oo qaaday talaabo uu ka carooday Raisul Wasaare Netanyahu

Milatariga Israa’iil ayaa maalin kale oggolaaday Xabad joojin ay ku tilmaameen taatiko’ taasoo ay ka sameeyeen xaduudaha galbeed Gaza.

Tallaabadan ayay sheegeen inay tahay qorshe loogu talagalay in gargaarka bini’adantinimo gaaro dadka balse waxaa go’aankaasi cambaareeyay raisal wasaaraha Irsaa’iil Benjamin Netanyahu, iyo dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda midigta-fog.

Inkastoo ay taasi jirto hadana militariga ayaanan dhag jalaq u siinin oo weli sii wada qorshaha xabad joojinta maalinlaha ah.

Xabad joojinta xaddidan ayaa loogu talagalay in loogu oggolaado baabuurta xamuulka ah inay ka qaataan gargaarka is-goysyada Kerem Shalom ee ay Israa’iil maamusho.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in ay weli walaac ka muujinayaan ammaanka. Israa’iil waxay sheegtay in howlgallada militari ay ka sii socon doonaan Rafah iyo aagagga koonfurta Qaza ee ka fog waddada saadka ee loogu talagalay

 

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Cabdi Xaashi xilli mooshin laga…

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo ka hadlay Hadalkii Lafta Gareen iyo Fal Celiskii ka dhashay

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo Shaacisay in si deg deg ah ula wareegeyso Ciidamada Imaaraatka ay tababareen 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---