Wasiirkii hore ee Amniga oo ka jawaabay Qoraal kasoo baxay Hay’ada Nabad sugida

Wasiirkii hore ee Amniga gudaha Soomaaliya hadana ah Xildhibaan katirsan golaha Shacabka  C/risaaq Cumar Maxamed ayaa si kulul uga jawaabay qoraal kasoo baxay Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya NISA ayaa shaacisay inay joojisay Qandaraasyo Malaayiin Doolar ku baxeyso oo uu saxiixay wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar Maxamed.

Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha oo ka jawaabayay qoraalka NISA kasoo baxay ayaa sheegay in uu xilka si daah furnaan ah ku wareejiyay, waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay in labo sano kadib NISA isku bedeshay NSStii kaligitaliska.

”NISA oo Masuul xil horay u hayay si daahfurana xilkaas ugu wareejiyay Masuulkii xilka kala wareegay in aay dacaayad raqiis ah baraha bulshada soo dhigaan 2 sano ka dib iyado loga gol leeyahay in la isku cabsi geliyo. Waxaa nasiib darro ah in NISA iskubedeshay NSStii kaligitaliska” Ayuu yiri Xildhibaan C/Risaaq Cumar.

Wasiirkii hore ee Amniga gudaha hadana ah Xildhibaan katirsan Aqalka Hoose ayaa kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, lamana oga xiligan waxa kusoo beegay warkan kasoo baxay Hay’ada NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -