Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Amiir Khaled bin Talal oo 11-bil kadib xabsiga laga sii daayay xili uu cadaadis xoogan saaran yahay …

Wararka ka imaanaya Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegaya in xabsiga laga sii daayay Amiir Khaled bin Talal oo kamid ah dhaxal sugayaasha Boqortooyada Sacuudiga oo 11-bil kahor xabsi la dhigay.

Khaled Bin Talal ayaa loo xiray howlgal uu hogaaminayay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salman oo lagula dagaalamayay Musuq maasuqa, waxa uuna Amiir Khaled kamid ahaa dadkii kasoo horjeeday howlgalkaasi.

Qoyska Khaled Bin Talal ayaa baraha bulshada soo galiyay sawiro muujinaya isaga oo salaamaya xubno qoyskiisa kamid ah sidoo kale booqanaya wiil uu dhalay oo mudo sanado ah koomo ku jiray.

Warbaahinta caalamka ayaa ku warameysa talaabada xabsiga looga sii daayay Amiir Khaled Bin Talal uu dhalay Boqor Salmaan walaalkiis in ay tahay mid lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka ka dhax jira Qoyska reer Boqor.

Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa horaantii sanadkii hore Sacuudiga ka fuliyay howlgal uu kula dagaalamayay dadka awooda badan leh isaga oo isticmaalayay in uu la dagaalamayo Musuq maasuqa, waxa uu xiray Wasiiro, Amiiro iyo hantiilayaal badan.

Sacuudiga ayaa xiligan wajahaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaya Caalamka oo ka dhashay dilkii foosha xumaa ee loo geestay Wariye Jamal Khashoggi oo mucaarad ku ahaa Boqortooyada Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xariga Wasiir Janan oo la sheegay in ay ka dhalan karto Cawaaqib xumo

Cabdi Cade

 John Kerry Oo Kulan Qarsoodi Ah La Qaatay Javad Zariif iyo xubno kale (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Hoobiyaal lagu garaacay Villa Soomaaliya iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---