Allbanaadir.com
NEWS

Taliska PSF oo si adag u beeniyay warkii kasoo yeeray taliyaha Booliiska Puntland

Taliyaha ciidanka booliiska ee maamulka Puntland Jeneral Muumin Cabdi Shire ,oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay ciidamada PSF in iyagu masuul ka ahaayeen kana dambeeyeen iska-horimaadkii shalay ka dhacay saldhigga booliiska magaalada Boosaaso.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada PSF ayaa lagu beeniyay warka kasoo baxay taliyaha booliiska Puntland, waxaana qoraalka lagu sheegay in dhacdadii shalay ciidankii ku luta lahaa ahaayeen kuwa dad ka xirnaa halkaasi u tagay.

Taliska ciidamada PSF ayaa dhanka kale ciidamada booliiska Puntland ku eedeeyay in magaalada Garawe qaab afduub ah ugu xirteen afhayeenka ciidamada PSF, waxa ayna  xuseen in si sharcidarro ah loo xiray afhayeenka .

Ciidamada PSF oo ah ciidao si gaar ah u tababaran looguna tala galay la dagaallanka Al Shabaab iyo Daacish ayaa marar badan ku lug yeeshay iska-horimaadyo ka dhacay magaalada Boosaaso oo xarun u ah ciidankan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ku qoran Warqada uu Trump u diray hogaamiyaha Iran?

Caydiid Ali

Hogaamiyaha Tigrey oo markii ugu horeesay qirtay Guul daro hanjabaadna soo diray

Cabdi Cade

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo beenisay warar lagu faafiyey Baraha bulshada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---