Gudoomiyihii Degmada Howl Wadaag oo xilka laga qaaday iyo Gudoomiye cusub oo la magacaabay

Warar lagu kalsoonaan karo oo heshay Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in xilka laga qaaday Gudoomiyihii degmada Howl Wadaag Cabdi Kariin Cali Kaar oo xilkaasi hayay mudo sanad ka badan.

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii degmada Howlwadaag halka Gudoomiye cusubna digreetada lagu magacaabay.

Sida aan xogta ku heleyno Gudoomiyaha cusub ee Degmada Howl Wadaag ayaa loo magacaabay Mahad Cabdi Caraale oo ah howlkar la filayo in uu wax badan ka bedelo dib u dhacaya ku yimid degmada Howl Wadaag.

Mahad Cabdi Caraale ayaa ah aqoonyahan dalka gudihiisa wax ka bartay mudanna ka shaqeynaayey Gobolka Banaadir, isagoo ahaa Kormeere kamid ah Waaxda Canshuuraha Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa wada isbedelo uu ku sameenayo Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan Gudoomiyaasha ku fashilmay waxqabad iyo howlihii loo igmaday .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -