Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad nin dhaqtar ah ku xukuntay inuu hooyadii siiyo hal Milyan oo dollar

Maxkamadda sare ee Taiwan ayaa dhakhtar ku xukuntay inuu hooyadii siiyo ku dhawaad hal milyan oo dollar, maadaama oo ay soo korisay ayna ka bixisay lacagtii uu ku soo bartay dhakhtarnimada.

Hooyadan ayaa wiilkeeda ka saxiixday qandaraas 1997dii markaas oo uu 20 sano jiray, waxayna kula heshiisay inuu siin doono 60% dhaqaalaha uu helo marka uu shaqo billaabo.

Waxaana lagu amray inuu lacagta iska bixiyo walibana dul saar ugu daro hooyadii.

Hooyadan oo magaceeda lagu soo koobay Luo ayaa korsatay labo wiil oo ay dhashay ka dib markii uu ninkeedu furay.

Luo ayaa sheegtay inay boqolaal kun oo doolar ka bixisay labadeeda wiilba si ay u noqdaan dhakhaatiir ilkaha ku takhasusay, laakiin waxay ka walwashay inaysan daryeeli doonin marka ay duqawdo.

Markaas ayay labadeedii wiilba ka saxiixatay qandaraas dhigaya inay siin doonaan 1.7 milyan oo doolar oo ay waxbarashada kaga bixisay.

Wiilkii waynaa ayaa hooyadii kula heshiiyay qandaraaskii,  lacag yar ayuuna siiyay sida ay ku warrantay warbaahinta guduha.

Hase ahaatee wiilka yar oo magaciisa Chu lagu soo koobay ayaa ku dooday inuu aad u yaraa markii uu qandaraaskaas saxiixay, isla markaasna ay tahay in aan waxba laga soo qaadin.

Chu ayaa sidoo kale ku dooday in markii uu qalin jabiyay uu hooyadii ilkaha ka daweeyay sannado badan ayna kaga baxday in kabadan lacagta ay hadda maxkamaddu ku xukuntay in uu hooyadii siiyo.

Afhayeen u hadlay maxkamadda ayaa sheegay in garsooreyaashu ay go’aankooda ku u cuskadeen in wiilku qaangaar ahaa isla markaasna aan lagu qasbin saxiixidda qandaraaska, sidaas daraadeedna uu sharci yahay.

Maxkamadda ayay ka dacwaysay ka dib markii uu diiday in uu bixiyo lacagtaas muddo dhawr sano ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska oo Muqdisho ka baadi goobaya gabar loo maleenayo in la afduubtay

Cabdi Cade

Cumar C/rashiid, Gaas iyo Faroole oo ka hor yimid go’aankii Isimada Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali

Sida xariga looga jaray Garoonka Muqdisho Studium iyo sida ay wax u dhacayn Xarig jarka kadib !!

admin