Allbanaadir.com
NEWS

C/raxmaan C/shakuur ma iska xaadirin doonaa maanta Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir?

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir waxaa laga sugayaa maanta siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, kadib markii Maxkamaddu qoraal ay horey u soo saartay ku sheegtay in 03-da January 2018 oo maanta ku beegan Maxkamadda laga sugayao Siyaasigan.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku wargelisay Taliyeyaasha qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska degmada Wadajir inay gaarsiiyaan mudada loo qabtay dhageysiga dacwadiisa, si uu uga soo qeyb galo.

Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale ka qeyb galaya dhageysiga iyo Dooda Dacwadda, waxaana dhammaan dhinacyada lagu wargeliyay in ay waqtiga ilaaliyaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblawe oo 26-kii December soo saaray warqad qoraal ayaa wuxuu ku sheegay in uu dib u furay kiiska C/raxmaan C/shakuur oo Maxkamadda looga yeeray 27-kii December, balse Maxkamadda uusan hor imaan, taasina ay qasabtay in markale waqti loo qabto.

Cabdiraxmaan C/shakuur ayaa sheegay inuusan tegeynin Maxkamada cid uga wakiil ahna uusan u dirsan doonin, isagoo sharci daro ku tilmaamay dacwada loo heysto waxaana uu ku eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Qaranka inuu ku soo oogayo dacwad siyaasadeysan oo ujeedooyin gaar ah laga leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada Ciidamada oo Xukun adag ku riday Xudeyfa Daa’uud Yuusuf

Cabdi Cade

Dowladda Kenya oo war cusub oo yaab leh ka soo saartay dacwadda Badda (Akhriso)

Caydiid Ali

Laftgareen oo hal arrin uga mahad celiyey Madaxweynaha & Raisul Wasaaraha DF

admin