Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Kenyan ah oo dhimasho iyo dhaawac loo geystay, gaadiidna laga gubay

Dagaalyaahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa markale weerar ka gaystay gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan Shan ka mid ah Ciidanka Booliska Kenya, hal ay dhaawaceen taban kale.

Sida warku sheegayo dabley ka tirsan Al-shabaab ayaa wadada u galay gaadiid ay la socdeen Ciidanka Kenya oo ka dhaqaaqay Deegaanka Kotulo oo hoos-tagta Ceelwaaq Kenya.

Ciidanka la weeraray oo ku sii jeeday Deegaanka Ceel-raam, ayaa loo galay tuulada Kamoore, waxayna dadka degaanku sheegeen in weerarkaasi uu ku bilowday gantaalaha garbaha laga tuuro oo lagu weeraray gaadiidka ay wateen ciidamada.

Mid ka mid ah gaadiidka xamuulka ee Ciidanka Boolisku leeyihiin ayaa sidoo kale weerarkaas lagu gubay sida ay sheegayaan masuuliyiin ka tirsan dowlada Kenya.

Dhinaca kale Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka Al-Shabaab, ayaa baahisay in weerarka ka dhacay Degaanka Kotulo lagu dilay lix ka mid ah Ciidanka Booliska Kenya, oo Saraakiil ay ku jiraan, ayna ku burburiyeen gaari xamuul ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) “Ma jirto meel ka dambeysa Rafax oo aan u qaxno” Shacabka Gaza

Caydiid Ali

Mumina Eroba oo ugu dambeyn isku dhiibtay booliska Kenya & wiilkeeda oo la baadi goobayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Baarlamanka Puntland oo Magacaabay Gudiga doorashada Madaxweynaha (Akhriso)

Caydiid Ali