Munaasabad lagu soo dhaweenayay Guddigii uu magacaabay Sheekh Shaakir oo la qabtay

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in hoolka Midnimo ay ka dhacday munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweenayo Guddiga doorashada uu magacaabay Sheekh Shaakir.

Munaasabada waxaa ka qeyb galay Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan xubno kale oo katirsan Ahlu Sunna iyo Galmudug, waxaa sidoo kale munaasabada ka qeyb galay dadweyne badan oo lagu casuumay.

Sheekh Shaakir Cali Xasan ayaa dhawaan magacaabay guddi uu ku sheegay in ay maamulayaan doorashada Galmudug, waxaana guddigan uu kasoo horjeedaa mid ay horey u magacawday wasaarada arimaha gudaha.

Munaasabada guddigan lagu soo dhaweenayay ayaa kusoo aadeysa xili xalay iska magaaladaasi lagu qabtay munaasabad balaaran oo iyana lagu soo dhaweenayay guddiga doorashada Galmudug ay magacawday Wasaarada arimaha gudaha .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -