Allbanaadir.com
NEWS

Dayuurad uu la socday Madaxaweyne ku-xigeenka dalka Malawi oo la la’yahay

Diyaarad uu la socday Madaxweyne ku xigeenka Malawi Saulos Chilima iyo sagaal qof oo kale ayaa la la’yahay, sida uu sheegay xafiiska Madaxweynaha, Waxaa socda baadigoobka diyaarada.

Warka ayaa intaa ku daraya in Diyaaradda Ciidanka Difaaca Malawi oo siday Chilima iyo kuwa kale ay ka ambabaxay caasimadda Lilongwe 9:17 subaxnimo xilliga maxalliga ah , xafiiska madaxtooyada iyo golaha wasiirrada ayaa bayaan ku sheegay.

Diyaaradda ayaa raadarka laga waayay tobankii subaxnimo waqtiga dalkaasi, ilaa markaas kaddibna waa la la’a yahay

War saxaafadeed dowladda Malawi ay soo saartay ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo aheyd tan ciidamada dalka oo ay la socdeen madaxweyne ku xigeenka iyo sagaal kale aysan imaan garoonka caalamiga Mzuzu.

Madaxweynaha ayaa joojiyay safar uu ku tagi lahaa jasiiradaha Bahamas, waxa uuna dalbaday in ha’yadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ay sameeyaan howlo baaris iyo samatabixin degdeg ah si loo helo diyaaradda

Related posts

Saciid Ciise: “Puntland ha lagu taageero qabashada doorasho qof iyo cod ah”

Caydiid Ali

Eedeymo loo jeediyey heyadda Socdaalka & Jinsiyadaha Somalia (Daawo Video)

admin

Shidaalkii ugu horeeyey oo laga soo saarayo Mid ka mid ah degaanada Soomaalidu degto

Caydiid Ali
Taboola Ads ---