Allbanaadir.com
NEWS

(Akhriso) Dowlada Somalia oo beenisay eedeyn culus oo kaga timid Madaxweyne Deni

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay in aan la siyaasadayn mashaariicda gargaarka iyo kuwa horumarinta ee  ka socda dalka oo dhan.

Hadalkan ayaa u  muuqda mid jawaab u ah warqad cabasho ah oo Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni u diray wakiilada beesha caalamka, isagoo ku eedeynaya DF iney siyaasadeysay deeqihii caalamka ayna maamulkiisa ka xanibtay qeybtii ku soo hagaagtay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa dib u bilaabashada mashaariicda horumarineed ee horay uga socday Puntland, oo ay ku jiraan mashruuca Barwaaqo iyo mashruuca Adkeysiga Nidaamka Cuntada (SFSRP)” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada qorsheynta oo sidan hoose u qornaa:-

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka oo maanta kulmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Galmudug oo shaacisay doorashada 21 ka mid ah kuraasta Golaha shacabka

Caydiid Ali

Taliska Booliska Somalia oo beeniyey Warar lagu faafiyey baraha bulshada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---