Allbanaadir.com
NEWS

Shidaalkii ugu horeeyey oo laga soo saarayo Mid ka mid ah degaanada Soomaalidu degto

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkiisa uu bilaabi doono Khamiista inuu ka soo saaro shidaal cayriin degaanka Soomaalida sida ay warbaahinta gudaha ku warramayso.

Mr Abiy wuxuu sheegay in baaritaanka, oo muddo dheer ka socday gobolka Soomaalida ee Itoobiya, ay ka soo baxeen natiijooyin wanaagsan.

Shirkad Shiinaha laga leeyahay, Poly-GCL, ayaa mashruuca qaadatay.

Shirkaddu waxay billaabaysaa inay soo saarto 450 fuusto oo shidaal cayriin ah maalin kasta, waxaana la filayaa in intaas laga sii badiyo.

Mr Abiy wuxuu sheegay in shaqada dhismaha dhuun shidaalka qaadda oo gaysa Jabuuti ay dhawaan billaaban doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Itoobiya oo la sheegay in ay Xasuuqeen Maxaabiis iyo Shacab kasoo jeeday Tigrey

Cabdi Cade

Ruushka oo sare u qaaday duqeymaha Magaalooyinka Ukraine (Sawirro)

Caydiid Ali

Faah Faahino kasoo baxaya dil ka dhacay Muqdisho iyo Al shabaab oo ka hadashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---