Nin gubay xarun Baarlamaanka oo maxkamad lasoo taagay Dacwadna lagu soo oogay

Maxkamad ku taalla magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, ayaa lasoo taagay nin lagu eedeeyay in uu gubay xarunta Baarlamaanka dalkaasi sidoo kale ku dhaqaaqay falal kale ay ku jirto xatooyo.

Zandile Christmas Mafe, oo 49-sano jir ah ayaa kasoo muuqday maxkamada isaga oo u muuqday qof jahwareersan, waxaana ninkan xeer ilaalinta kusoo oogeen dambiyo kala duwan ay kamid yihiin gubida xarunta Baarlamaanka, xatooyo iyo jebin guri.

Xeer ilaalinta dambiga kusoo oogtay ninkan ayaa sheegay in ciidamada amaanka qabteen isaga oo wata walxaha qarxa kuna sugnaa xarunta Baarlamaanka,waxaana ninkan la sheegay in isagu masuul ka ahaa dhibka ka dhacay xarunta Baarlamaanka.

Qareenka difaacaya ninka eedeesanaha ah ayaa sheegay ninka ay qabteen booliiska uusan aheyn ninkan uu difaacayo laguna been abuurtay, waxa uuna ninkaasi ku sheegay nin faqiir ah oon dhib badneyn.

Dabka la qabadsiiyay xarunta Baarlamaanka dalka Koonfur Afrika ayaa geestay khasaaro xoogan oo soo gaaray xarunta iyo goobo kale, waxaana daminta dabkaasi qaadatay saacado aad u badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -