Gaas & Nicholas Haysom oo kulankii ugu horeeyey ku yeeshay Garoowe (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta  Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefdi uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliaya Ambassador Nicholas Haysom.

Gaas ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, waxaana ay wefdiga Ambassador Nicholas Haysom la qaateen kulan gaar ah, isla markaana Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya ayaa markii kulankii soo gebageboobay si wadajira ula hadlay Warbaahinta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn ku soo dhoweeyey Wakiilka Qaramada midoobey Soomaaliya u qaabilsan iyo wefdiga uu hogaaminayey Puntland, iyadoo Madaxweynuhu uu tilmaamay in ay tahay booqashadiisii ugu horaysey tan iyo intii la magacaabay wakiilku uu ku yimaado Puntland, isla markaana ay ka Puntland ahaan wanaag u tahay imaanshaha wakiilka iyo weftigiisa.

“Waxaa sharaf weyn inoo ah inay nooyimaadan wefdi uu hogaaminayo Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobey uqaabilsan Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom iyo ku-xigeenkiisa Mr. Rai Zenenga, Ambassador Nicholas Haysom, wakiilku waa cusub yahay sida aad la socotaan waa boqashadiisii ugu horaysey ee uu ku yimaado Puntland, waan ku faraxsannahay booqashadii ugu horaysey inuu noogu yimaado, kulankayaga maantana waxaan ka wadahadalnay arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda Soomaaliya ee cakiran, kala aragti duwanaanshaha DFS iyo maamullada dalka, arrimaha amaanka, siyaasadda iyo tageerada beesha caamku ay siiso Soomaaliya iyo wixii feker ah oo aanu ka qabno xal u helidda mushkiladdaha Soomaaliya oo amnigu ugu horeeyo, wada shaqaynta Soomaaliya iyo beesha caalamka’’ ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Dhinaca kale Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom ayaa dhankiisa xusay inuu ku faraxsan yahay imaanshiyaha Puntland markiisii ugu horaysey, waaxa uu tilmaamay inay isaga iyo Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta kaleba ka wada hadleen arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wanaajinta wada shaqaynta dowladda Dhexe iyo maamullada dalka.

“Waaxan ku faraxsanahay inaan markii ugu horaysey imaado Puntland, waaxaan ka wada hadalnay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kaleba arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wada shaqaynta beesha caalamka iyo Soomaaliya, caqabada ka dhexjira dowladda dhexe iyo dowladdaha Xubnaha ka ah, xasiloonida, nabadda iyo ka faa’iidaysiga fursadaha” ayuu yiri Ambassador Nicholas Haysom.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qado sharaf ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyada Garoowe wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom iyo weftiga uu hogaaminayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -