Musharax Madaxweyne oo si adag uga hadlay Cafiska dowlada u fidisay C/Rashiid Janan

Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa soo xirtay gal dacwadeedkii loo heystay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan),  Maxkamada gobolka Banaadir ayaana aqbashay in gal dacwadeedka Janan la xiro.

Talaabada dowlada Soomaaliya ku cafisay kuna xirtay gal dacwadeedkii Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland ayaana hadal heyn badan abuurtay, waxaana dad badan oo ka falceliyay talaabadan ku tilmaameen mid cadaalad daro ah.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si dadban uga hadlay go’aanka xeer ilaalinta Qaranka u xirtay dacwadii loo heestay Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in cadaalad darada iyo dulmiga uu horseedayo bur bur .

Halkan ka Akhriso qoraal uu arintan uga hadlay

Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa dacwad ku soo oogay Raysalwasaaraha dalka Benyamin Netanyahu,. Maxkamadda Jerusalem ayaa billawday dhageysiga dacwaddiisa, halka shalay xeer Ilaaliyiha Soomaaliya dacwad uu isagu horay ugu soo oogay C/rashiid Janan u cafiyey, Maxkamadda Banaadirna ku raacday. Imaam Ibnu Taymiyah ayaa laga wariyey in uu yiri
 
“Alle dowladdii caaddil ah ayuu u gargaaraa, haddii ay doonto gaalo ha noqotee, garabna ma siiyo dowladdii dulmiga ka shaqeysa haddii ay doonto Muslim ha ahaato”
 
Dulmiga, caddaalad darrida iyo ku tumashada xaqa muwaadinka waxey horseeda burbur ummadeed iyo qaran jab.
 
Farriintaan hala gaarsiiyo kuwa culimmada sheegta ee maalin walba fatwada diiniga ah la garab taagan Farmaajo oo sidii uu doono sharciga dalka ugu tunta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -