Gaadiid hub iyo baabuur kala duwan u waday Xaaf oo lagu qabtay Cadaado iyo xiisad ka dhalatay

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamada amaanka magaaladaasi gacanta ku dhigeen lix gaari oo nuuca xamuulka qaada ah, kuwaa oo waday hub iyo gaadiid kala duwan.

Sida aan Wararka ku heleyno gaadiidka Cadaado lagu qabtay ayaa siday gaadiid nuuca aan xabadaha karin, gaadiid kale oo nuuca Cabdi Billaha loo yaqaan iyo rasaas badan, waxaana hubkan iyo gaadiidka laga soo dejiyay dekada Boosaaso.

Gaadiidka iyo hubka lagu qabtay magaalada Cadaado ayaa lagu soo waramayaa in ay kusii jeedeen magaalada Dhuuso Mareen ee xarunta Maamulka Galmudug, waxa ayna ku socdeen Madaxweyne Xaaf.

Xiisad ayaa ka dhalatay gaadiidkan lagu hayo Koontarool kuyaala magaalada Cadaado, waxa ayna xiisada u dhaxeysaa maleeshiyaad doonaya in gaadiidka hubka sida u gudbiyaan Dhuuso Mareeb iyo kuwa kasoo horjeeda.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta magaalada Cadaado, waxaana halka lagu hayo gaadiidka iyo hubka ku socday magaalada Dhuusao Mareeb gaaray masuuliyiin kuwaa oo ku kala argti duwan sida laga yeelayo hubka iyo gaadiidka ku socday Madaxweyne Xaaf.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -