Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil goor dhow ka dhacay Suuqa Bakaaraha & faahfaahino ka soo baxaya

Dabley hubeysan ayaa galabta fal dil ah ka geysatay Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan warar goor dhow halkaas naga soo gaaray.

Dilka ayaa ka dhacay wadada Koowaad ee suuqa gaar ahaan agagaarka xarunta Shirkadda Xawaalada Tawakal ka dib markii dabley bastoolado ku hubeysan ay halkaas ku toogteen qof shacab ah.

Ragga dilka geystay ayaa halkaas ka baxsaday, wararka qaar ayaana sheegaya in qofka la dilay uu ka mid ahaa shaqaalaha shirkadaha isgaarsiinta.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia oo halkaas gaaray wax yar ka dib ayaa sameeyey howlgalo ay ku dabagalayaan ragga dilka fuliyey oo goor hore halkaas ka baxsaday.

Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal loo geysto askarta dowlada iyo dad shacab ah, kuwaasoo intooda badan ay masuuliyadooda sheegtaan kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

War cusub oo ka soo kordhay safarka ay Tanzania ku tageen Xasan Shiikh & wafdigiisa

Caydiid Ali

Kolonyo baabuur Mareykan ah oo lagu weeraray Anambra iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur oo si adag uga hor yimid taliye ay dalacsiisay dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---