Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah yeelanaya 

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanaya ayaa ka doodi doona mid kamid ah xeerarka doorashooyinka oo dhawaan soo gudbiyeen Guddiga Wadajirka ee dhameystirka xeerarka doorashooyinka.

Kulanka Baarlamaanka ayaa maanta xildhibaanada loogu qeybin doonaa xeerka qoondada Haweenka si ay dood adag uga yeeshaan kadibna u meel mariyaan ama meesha looga saaro xeerkan.

Xeerka qoondada haweenka Baarlamaanka federaalka ayaa dhigaya in kuraasta haweenka loo qoondeeyay kaliya ay ku tartamaan Haween si loo ilaaliyo qoondada ay haweenka ka helayaan Baarlamaanka oo ah %30.

Guddigii Wadajirka ahaa ee dhameytsirka xeerarka doorashooyinka ayaa soo diyaariyay afar xeer oo doorashooyinka, waxaana xildhibaanada xeerarkaasi uga doodi doonaan mid mid iyagoona kadib ansixin doona ama iska diidi doona.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -