Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in 100 Kunteenar oo hub ah uu geeyay magaalada ….

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in inta badan hubkii loogu deeqay dowlada Soomaaliya uu u daabulay gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Garbahaarey.

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir, Kamaal Guutaale ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliya loogu deeqay ilaa 150-Kunteenar oo hub ah ,waxa uuna sheegay Kamaal 100- Konteenar oo hubkaasi Soomaaliya la siiyay kamid ah Farmaajo uu geeyay magaalada Garbahaarey.

” Ciidanka Soomaaliyeed iyo hubkii Soomaaliya la siiyay 150 Konteenar ayaa la siiyay Soomaaliya ayaa la yiraahdaa, wax ka badan 100 Konteenar oo hubkaasi kamid ah waxa uu Madaxweynaha u raray magaalada Garbahaarey, waxa uu ugu raray ma naqaan , waxaan is iraahdaa ma qabyaaladii uu dhaliili jiray ayuu ku dhaqmayaa” Ayuu yiri Kamaal Guutaale.

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir, Kamaal Guutaale ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ku sifeeyay ruux aan balan laheyn, waxa uuna xusay in uusan kasoo bixin inta badan balan qaadyadii uu sameeyay markii uu ololaha doorashada Madaxweynaha uu ku jiray.

”Madaxweynaha waxyaabaha uu sheegay markaan soo xasuusto iyo balan ka baxyada waa badan yihiin, waxyaabaha uu balan qaaday waxaa kamid ah qofkii qarax soo sheega waxaan siinayaa 100-kun Dollar dibabadana waan u dirayaa, gurigii iyo hotelkii qarax ku dhaco waa dhisayaa, hal xaboo balamahaasi kamid ah muusan sameyn, runtii waxyaabaha aan aad ula yaabo waxaa kamid ah hadaladii Madaxweynaha oo dhan markan ficilkiisa ku fiiriyay sanadkii iyo sideeda bilood uu Madaxweynaha noo ahaa waxaa iiga muuqata hadalo is diidaya ” Ayuu yiri Kamaal Guutaale.

Hadalka kasoo yeeray Siyaasigan Mucaaradka dowlada kamid ah ayaa kusoo aadaya xili Madaxweynaha Soomaaliya maalmo kahor dhaliil xoogan u jeediyay Hogaamiyaasha maamul goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta Mucaaradka .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -