Madaxweyne caan ah oo Soomaaliya ku tilmaamay meel bahalo galeen ah

Qoraal uu barta Twitterka soo dhigay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musavani ayaa xiisad ka dhaliyay baraha bulshada, waxa uuna Madaxweynaha Uganda tilmaan xun ka bixiyay dalalka Soomaaliya iyo Liibiya.

Yuweri Musavani oo fariin dar daaran ah  hawada u marinayay Madaxda Koonfurt sudan ayuu u sheegay in dadka Shisheeyaha ah ay doonayaan in ay Koofurta Suudaan ka dhigaan meel bahallo galeen ah sida Soomaaliya iyo Liibiya.

Qoraalka uu Twitterka soo dhigay Madaxweynaha Uganda ayaa si weyn looga falceliyay, waxa ayna dadka qaar Madaxweynaha ugu baaqeen in uu xilka uu hayo baneeyo uuna fursad siiyo dhalinyarada.

Dalka Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan askari oo katirsan ciidamada AMISOM, waxa ayna Uganda kamid aheyd dowladah sida weyn u taageeri jiray dowladahii kala duwanaa ee dalka soo maray bur burka kadib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -