Jawaari oo Iscasilaadiisii kadib maanta kasoo dhax muuqday Fadhiga Baarlamaanka

Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta markii ugu horeesay kasoo dhax muuqday Fadhiga Baarlamaanka kadib is casilaadiisii

Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa si weyn xarunta ugu soo dhaweeyay Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo mudo dhow bil ah aan tagin xarunta Baarlamaanka kadib markii uu xilka Afhayeenka iska casilay.

Jawaari ayaa iska xaadiriyay buuga Xildhibaanada kulanka ka qeyb galaya, waxa uuna fadhiistay kuraasta caadiga ah ee loogu tala galay in ay fadhiistaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa mudo shan sano ka badan maanta fariistay kursi uusan horey u fariisan jirin, waxa uuna Jawaari tan iyo markii uu kamid noqday Xildhibaanada golaha shacabkii sanadkii 2012-kii ahaa Gudoomiye kursi gaar ah ka fariisa xarunta Golaha Shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -