Booliska Somaliland oo Hargeysa ku xirxiray rag fal dambiyeed yaab leh geysaneyey

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay dhallinyaro dhawaan dab qabadsiinayay goobo ganacsi ku yaalla bartamaha magaalada Hargaysa.

Raggan ayaa waxaa qabtay Kamerada Qarsoon iyagoo ka koobnaa 4 dhalinyaro ah. iyagoo dab qabsad siinayay Meherada horteeda, waxaana  gacanta lagu soo dhigay laba ka mid ah oo lagu kala magacaabo

1-Cabdilaahi Jaamac Cabdilaahi oo 20 jira ahna kii Dabka meherada ku waday.

2-Cabdiqani Faarax Maxamed oo Axmed 23 jir ah.

“Dedaallo ay sameeyeen  Ciidanka  Booliska Somaliand ayaa Saacaddo gudahood gacanta kusoo dhigay labadan eedaysane halka  ay ku raad-joogaan 2 eedaysane ee  kale oo Ciidanku  aqoonsaday, Waxaanan  si degdega u horgaynaynaa sharciga” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska oo intaa ku daray in la baarayo sababta kooxdan ay dabka u qabadsiin rabeen goobtaas ganacsi.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa u digay  cid kasta oo isku dayda khalkhal gelinta Nabadgalyada, waxyeellada hantida shacabweynaha iyo wax kasta oo ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland in ay ku qaban doonnaa gacan bir ah.

“Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood  ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba lasoo wadaagaan, waxa uuna ka codsanayaa in ay kor u sii qaadaan la shaqeynta Ciidanka Booliska” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka booliska

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -