Al-Shabaab ma waxaa loola dirirayaa in ay afkaar xagjir ah leeyihiin, Mise in ay yihiin awood hubaysan ?

Al-Shabaab ma waxaa loola dirirayaa in ay afkaar gurracan oo xagjir ah leeyihiin? Mise in ay yihiin awood hubaysan oo fallaago dawladnimada ka soo horjeedda ah, dadkana gumaada?.

Haddii fikir gurracnaan looga soo horjeedo, waxaa jira koox la fikir ah iyaga, sida Al- saaciduun oo kale. Fikirkooda way faafsadaan, dawladda ma aaminsana, balse in ay gaalo tahay ayey aamisan yihiin, laakiin dagaal kulama jiraan. Kooxdii Ahlusunna ee Galmudug ka jirtay, dadka ma dili jirin, mana gumaadi jirin, fikirkooduna xagjir ma ahayn , laakiin waxay ahaayeen fallaago hubaysan oo markii taageero laga helay dadkii deegaanka ay Galmudug iyo Federaalka oo wada socda xoog ku maquuniyey.

Diintu waa mid, haddana waa jira Jamaacaad diini ah oo kala fikir duwan, koox kastana ay aaminsan tahay in ay dariiqa xaqa ah ku taagan tahay.

Dawladdu ma aha in ay koox gaar ah la jirsato, ama u muuqato koox la jirto mid kalana ka soo horjeeddo. Madaxda qaranka waa in ay ka taxadaraan markii munaasab koox looga yeero.

Koox kasta waxay xaq u leedahay in ay si nabad ah fikirkeeda dadwaynaha ugu soo bandhigto, aanan la cabburin. Dawladdu waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta maqaasidda Diinta. Waxaa laga doonayo in ay ilaaliso akhlaaqda Islaamka ee dawladda (State Ethics), sida cadaaladda, sinnaanta, wadatashiga (Shuurada), ammaanada, hufnaanta, xoriyadda, hawl-karnimada, eex la’aanta iyo musu la dirirka. Wacdi culimada ayaa laga rabaa ee dawlada go’aan iyo meelmarin ayaa laga rabaa.

Al-Shabaab waxaa loola dirirsan yahay waa in ay fallaago hubaysan oo sharciyada dawladda ka baxsan yihiin, oo doonayo in ay xoog dalka ku qabsadaan, ciddii fikirkooda diidana dilaan.

Adeegsiga awoodda waa in uu dawladda oo keliya u bannaan yahay, iyaduna waa in ay sifo sharci ah u adeegsata. Dastuurku wuxuu dhigayaa in awood adeegsiga garsoorka oo keli ah fasaxi. Madaxweyne, Raysalwasaare, Madaxweyne Gobol, taliye ciidan, wasiir, Guddoomiye iyo inta kale ee laanta fulinta ka tirsan amarkooda awood laguma adeegsan karo, ilaa la helo ogolaasha maxkamadeed.

Sababtaas ayaa lagama maarmaan ka dhigaysa in Garsoorku madax-bannaan yahay.

W/Q Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -