Allbanaadir.com
NEWS

Mukhtaar Nuur Geesey oo lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ku dilay masuul ka tirsan Maamulka degaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho.

Mukhtaar Nuur Geesey guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada ee maamulka deegaanka Lafoole ayaa la toogtay marki ay weerar ku soo qaadeen dabley bastoolado ku hubeysan.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay afaafka hore gurigiisa oo ku yaalla gudaha degmada Dharkenley

Ragga dilka gaysatay ayaa goobta ka baxsatay, iyadoo sida caadada ah ay goobtaas gaareen ciidamada amaanka oo halkaas ka sameeyey baaritaano.

Related posts

Sargaal katirsanaa Ciidanka Dowlada oo Maanta lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade

Faransiiska oo ka carrooday xarun ay Gaza ku lahaayeen oo Isreal duqeysay

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo shaaciyay sababta ay u dileen Jeneraal Qaasim Sulaymaani

Cabdi Cade
Taboola Ads ---