Allbanaadir.com
NEWS

Dhaxal-sugaha Boqortooyadda Sacuudiga oo booqasho taariikhi ah ku tagaya Iran

Dhaxal-sugaha Boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa aqbalay inuu booqdo caasimadda Iran ee Tehran, kaddib martiqaad uu ka helay sii-hayaha madaxweynaha Iran Mohammed Mokhber.

Inta lagu jiray munaasabadda tacsida madaxweynihii shilka ku dhintay Raisi, hoggaamiyaha Iran, Khomenei wuxuu si maldahan u sheegay walaaca uu ka qabo dadaallada Mareykanka uu ku doonayo inay xiriir diblomaasiyadeed yeeshaan Sacuudiga iyo Israa’iil.

Iran iyo Sacuudiga ayaa soo ceshaday xiriirkooda kadib heshiis dib u heshiisiin ah oo bishii hore ay gaareen labada waddan.

Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iran sanadkii 2016-kii, kadib markii safaaraddeeda Tehran iyo qunsuliyada ku taalla magaalada Mashhad ee waqooyi-galbeed ee dalkaasi la weeraray xilli ay socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo xukunkii Riyaad ay ku fulisay wadaadka Shiicada ahaa ee Nimr al-Nimr.

Labada quwadood ee Bariga Dhexe ayaa dhowr wareeg oo wadahadal ah ku yeeshay Ciraaq iyo Cumaan kahor inta aan la gaarin heshiiska lagu hagaajinayo xiriirka 10-kii Maarso, kaas oo ka dhacay dalka Shiinaha.

 

Related posts

Dal ay ciidamo ka joogaan Somalia oo hawada u diray Dayax gacmeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland: “Ma aqbaleyno in Somalia laga cafiyo deyn aanan ogeyn halka ay ku baxday”

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo shaaciyay in hal milyan oo Dagaalyahano ah uu qoran karo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---