(Sawirro) Mareykanka oo Kenya ugu deeqay dayuurado dagaal & Gaadiid gaboobay

Kenya oo America ka heli doonta hub ay ka mid yihiin 16 helicopters iyo 150 gawaarida qafilan.

Lix iyo tobanka helicopter waxaa ka mid ah 8 helicopters nooca Hueys oo dagaalkii Vietnam 1969 lagu galay oo qaddiimi ah, looguna talogalay inay wax ka taraan dagaalka Shabaab lagula jiro. 8 helicopters oo iyaguna ah nooca qaddiimiga ah  MD-500 lana sameeyey 1976.

Aqalka Cad oo ah hadlay, wuxuu sheegay, in hubkaas lagu xoojinayo Ciidammada Kenya, gaar ahaan dagaalka ay kula jiraan Shabaab.

Dayuuradahan gaboobay, waxay iman doonaan Nairobi inta u dhaxaysa 2024 iyo 2025.

Kenya waxaa kale oo ay heli doontaa 150 baabuurta gaashaaman nooca M1117. Baabuurtan waxay Kenya iman doonaan September 2024.

Kenya waxaa kale oo loo ballanqaaday, in lagu dari doono program-ka loo yaqaan Operation Gallant Phoenix oo ah program ay dalal badan ku jiraan oo la iskaga kaashado macluumaadka khuseeya argagixisada.

Maraykanku wuxuu kordhinayaa tababaridda uu siiyo ciidammada Milleteriga iyo badda Kenya.

Talaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa timid ka dib booqashadii uu Washington ku tagay Madaxweynaha Kenya Wiliam Ruto.

- Advertisement -