Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Xamsa iyo dhigiisa Dr. Mu’in Abdul Malik oo telefan ku wada hadlay

Ra’iisul Wasaaraha Yemen Dr. Mu’in Abdul Malik ayaa qadka taleefanka kula soo xariiray Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xamse Barre.

Dr. Mu’in Abdul Malik ayaa ugu hambalyeeyey RW Xamsa Magacaabistiisa iyo Kalsoonida Golaha Shacabka ee shalay uu helay.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Yaman ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha dalka Munsaabadda Maalmaha xoriyadda ee dalka ee 26ka June iyo 1da Luulyo.

Labada masuul ayaa ka sheekeystay xiriirka labada dal ee qotada dheer, sidoo kalena waxa ay dhiirigaliyeen in horay loo sii wada jaan-qaado.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xamse Barre oo helay kalsoonida baarlamanka ayaa laga sugayaa inuu magacaabo gole Wasiiro oo dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota.

Related posts

Shirkadaha Forex-ka oo ku soo badanaya Muqdisho & Shaki xoog leh oo ka taagan

Caydiid Ali

Turkiga oo ku gacan seyray go’aan ka soo baxay Baarlamanka Midowga Yurub

Caydiid Ali

Akhriso: Jadwalka cusub ee Ciyaaraha dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---