Allbanaadir.com
NEWS

(Akhriso) Muxuu Koofi ka yiri xukunkii ay ku riday Maxkamada G/Banaadir?

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukunno kala duwan ku ridday mas’uuliyiin ka tirsanaa dawladda Soomaaliya. Maxkamadda ayaa qaar ka mida saraakiishaasi sii daysay, kuwana iyaga oo maqan danbi ku weysay, halka qaar kalena ay ku xukuntay xabsiyo kala duwan.

Mas’uuliyiin uu ka mid yahay agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi iyo agaasimihii hore ee Cashuuraha Berriga ayaa maxkamaddu ay wax dembiya ku wayday.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada kaga falceliyey xukunka Maxkamada oo ka bari yeeshay dembigii musuqa ahaa ee lagu eedeeyey.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KOOFI

GO’AANKA MAXKAMADDA G/BANAADIR AY IIGA BARI YEESHAY EEDEYMIHII LA SOO ABAABULEY

Waxaan ku faraxsanahey, soona dhoweynayaa go’aanka Maxkamadda Gobolka Benaadir ay iiga bari yeeshey eedeymihii la soo abaabuley.

Go’aankaani wuxuu garab istaagey xaqa, wuxuuna igu sii dhiiri gelinayaa xoojinta halganka aan ugu jiro difaaca qarankeyga, iyo u adeegidda dadkeyga Soomaaliyeed. Diidmada maxkamadda ee eedeymiha la soo abaabuley oo xariir la lahaa hammigeyga ku wajahan madaxtinimada Galmudug, waxay caddeyn u tahey in Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Garsoorkuba aysan ogolaaneyn in la isku dulmiyo awoodda dowladnimada.

Sooyaalkeyga waxaa ku dhiggan in aan si hagar la’aan ah oo daacadnimo ku jirto ugu adeegay dadkeyga Soomaaliyeed, ugana qeyb qaatey difaaca dalkeyga, aniga soo qabtey xilal iyo masuuliyado kala duwan oo isugu jirey amni, difaac, socdaal iyo qaar kale. Mudadaas aan qarankeyga u shaqeynayey waxay nafteydu halis gashey in ka badan toban jeer, iyada oo dhaawacyadii qaarkood iga soo gaarey aan weli la tacaalayo.

Waxaan dadkeyga Soomaaliyeed u ballan qaadayaa in aanan ka siiban doonin dhaqanka hufnaanta iyo daacadnimada ee la igu yaqaaney, wax saameyn ahna aysan igu yeelan doonin eedeymaha aan sugneyn ee la iga sameeyey, kuwaas oo maanta ay maxkamaddu meeshaba ka saartey.

Waxaan u mahadcelinayaa qareenadeyda sida hagar la’aanta ah ii difaacey iyo garsoorka maxkamadda oo iyaguna caddaaladda fuliyey. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa xaaskeyga Dr. Asma Cabdullaahi Sheekh iyo sidoo kale, asxaabta iyo taageereyaasha i garab taagnaa muddada ay dacwadu socotey.

Mahad badan

Dr. Maxamed Aadan Koofi

 

Related posts

Golaha Wasiirada oo Kulan deg deg ah maanta ku yeelanaya Muqdisho iyo Taliyaasha …

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur “Waa inaan la caburinin Mucaaradka si waxa qaldan loo saxo” (Daawo Video)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo soo saaray amar ku socda heyadaha Maamulka Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali