Kumanaan qof oo daweyn & Indho fiiqis bilaash ah loogu sameeyey Isbitaalada Gaalkacyo (Sawirro)

Mashruuc isugu jiray daweynta cudurrada indhaha, bixinta ookiyaalasha aragga iyo indho fiiqis bilaash oo ay ka faa’iideysteen kumanaan ruux ayaa laga fuliyey laba Isbitaal oo ku yaalla labada dhinac ee woqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Howshan samafalka ah oo soconeysay muddo 30 cisho ah ayaa dadka ka faa’iideystay waxay u badan yihiin barakacayaal iyo dad danyar ah kuwaasoo aan wax lacag ah laga qaadin haba yaraatee sida uu sheegay Agaasimaha heyadda Al-Nuur Founditon Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo hogaaminaya dhaqaatiirta fulineysa Mashruucan.

Dr. Dalmar ayaa xusay in howshan samafalka ay dalka qeybo ka mid ah ka soo wadeen sanadihii la soo la soo dhaafay, ayna rajeynayaan in sanadaha soo socda ay gaarsiiyaan degaano cusub.

“Hirgelinta howshan samafalka ah waxaa iska kaashanaya dhaqaatiir Soomaali iyo ajnabi leh oo ka tirsan Heyadda Al-Nuur Foundation Somalia oo aan madaxda u ahay iyo heyadda caalamiga ah ee dhaqaatiirta aan Xuduuda laheyn (MSF) Medecins Sans Frontier iyo wasaaradaha caafimaadka ee Puntland iyo GalMudug” ayuu yiri guddoomiye Dalmar.

Waxaa uu intaa ku daray dhaqtarku in Mashruucan oo isugu jiray Baaritaano, daaweyn, bxiinta ookiyaalaha arragga iyo indho fiiqis ay ka faa;iideysteen dad aad u fara badan.

“Qeybta hore ee mashruucan waxaan ka fulinay Isbitaal-gobleedka Mudug ee Woqooyiga Gaalkacyo waxaan baaritaan iyo daweyn u sameynay dad gaaraya 3,617 qof, waxaana indhaha loo fiiqay 227 kale, qeybta labaadna waxaan ka wadnaa Isbitaalka Gaalkacyo ee dhinaca Koonfurta Gaalkacyo, waxaa baaritaan iyo daweyn loo sameeyey 2,117 qof, iyadoo indhaha loo fiiqayo 275 kale, isugeynta labada dhinac ee Gaalkacyo waxay gaareysaa 5,734 oo baaritaan loo sameeyey iyo 502 qof oo indhaha loo fiiqay” ayuu yiri Dr. Dalmar oo intaas ku daray in dadka ka faa’ideystay mashruucan ay ka kala yimaadeen degaanada hoos taga Galmudug iyo Puntland, wuxuuna hoosta ka xariiqay in mashruucan uu yahay mid lacag la’aan ah oo loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Dr. Dalmar ayaa xusay Sanadkan sii dhamaanaya ee 2018-ka ay si bilaash ah indhaha ugu fiiqeen dad gaaraya illaa afar kun oo qof oo ku kala sugan Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, isagoo intaas ku daray in mashruucan samafalka ah ay sanadka soo socda gaarsiin doonaan magaalooyin kale.

Waxaan u mahad celinayaa heyadda caalamiga ah ee MSF oo fududeysay taaba-galka mashruucan, dhaqaatiir ka socotay dalka Pakistan iyo shaqaalaha Isbitaalka Al-Nuur oo iyana gacan ka geystay iyo maamulada Puntland iyo iyo Galmudug ee Gaalkacyo oo la’aantood aysan suuragasheen howshan samafalka ah ee bulshada loogu adeegayo” ayuu sidoo kale intaas ku daray Dr. Dalmar.

Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo ee ay Maamusho Heyadda Mudug Development Organization iyo kan woqooyiga magaaladaas oo ay maamusho wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa Mashquul fara badan maalmahan laga dareemayey, waxaana buux dhaafiyey dad u badan kuwo da’ah oo isugu jiray rag iyo haween kuwaasoo ka faaideysanayey baaritaano, daweyn iyo qaliimo bilaash ah oo loo sameynayey.

Dadka sida bilaashka ah uga faa’iideystay mashruucan samafalka ah qaarkood oo saxaafada la hadlay iyagoo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen, aysana jirin wax qarash ah oo laga qaaday, iyagoo ku tilmaamay Dr. Dalmar halyay u taagan u adeegista bulshada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, waxayna u mahad celiyeen Maamulka Isbitaalka indhaha Al-Nuur iyo hey’adihii kale ee gacanta ka geystay howshan waxtarka leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -