Xasan Cali Kheyre oo Baaq muhiim ah u diray Ciidamada amaanka Soomaaliya

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya hadana ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shacabka magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay usoo baxaan banaan baxa jimcaha ka dhacaya Muqdisho soona xirtaan waji xir.

Kheyre ayaa sheegay in dastuurka dalka uu ogolaanayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed xaq u leeyihiin in ay dhigaan banaan bax nabadeed ayna muujiyaan dareenkooda , waxa uuna sheegay in banaan baxa nuucaasi ah uusan u baahneyn ogolaansho.

”Qodobka 20-aad ee Dastuurka KMG, ayaa xaq aasaasi ah u siinaya muwaadin kasta inuu abaabuli karo, kana qeyb gali karo kulan ama bannaan bax nabadeed oo cabasho lagu muujinayo iyada oo aan loo baahneyn wax ogolaansho ah.” ayuu yiri Kheyre

Musharax Madaxweyne Kheyre ayaa ugu baaqay ciidamada amaanka Soomaaliya in ay gutaan waajibka saaran ayna ilaaliyaan dadka banaan baxa dhigaya ee isugu soo baxaya barxada daljirka Dahsoon.

”Waxaan Ciidamada Amniga qaranka ugu baaqayaa in ay waajibkooda sugidda amniga ay u gutaan si waafaqsan dastuurka, ayna ilaaliyaan amniga bannaan baxayaasha.” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Kheyre.

Banaan baxa ay soo abaabuleen musharaxiinta mucaaradka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beri la filayaa in ay ka dhacaan magaalada Muqdisho, waxaana banaan baxan lagu  dalbanayaa inay dalka ka dhacdo doorasho la isla oggolahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -