Israel oo qaaday tallaabo deg deg ah oo ka dhan ah Spain kadib aqoonsigii Falastiin

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Israel Katz ayaa Jimcihii sheegay in uu go’aansaday in uu “jaro xiriirka” ka dhexeeya ergada diblomaasiyadeed ee Spain iyo Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ee la haysto, sababo la xiriira aqoonsiga Madrid ee Dowladda Falastiin.

“Waxaan go’aansaday inaan jaro xiriirka ka dhexeeya wakiilada Spain ee Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, iyo in aan ka mamnuuco qunsuliyadda Spain ee Qudus in ay adeegyo siiso Falastiiniyiinta ka imanaya Daanta Galbeed,” Katz ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay X.

Illaa hadda ma cadda sida ay Israa’iil u fulin doonto hanjabaaddan.

Mar ay wakaaladda wararka ee AFP wax ka weydiisay wax-ku-oolnimada iyo cawaaqibka ka dhalan kara go’aanka Katz, wasaaradda arrimaha dibedda Spain si deg deg ah ugama jawaabin.

Katz waxa uu sheegay in go’aankiisa uu ahaa mid “jawaab u ah aqoonsiga Spain ee Dowladda Falastiin iyo baaqii Yahuud naceybka ee ka soo yeeray ra’iisul wasaare ku xigeenka Spain ee ahaa… ‘in la xoreeyo Falastiin webiga ilaa badda’”.

Spain, Ireland iyo Norway ayaa Arbacadii ku dhowaaqay go’aan ay ku aqoonsanayaan Dowladda Falastiin 28-ka bishan May, taasi oo dhalisay carada Israel.

Xukuumadda Israa’iil ayaa dhalleecaysay tallaabadan kuna sheegtay “abaal-marinta argagixisada” iyadoo dagaalka Marinka Gaza, oo ka dhashay weerarkii Xamaas ee 7-dii October, uu ku dhow yahay bishii siddeedaad.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa Khamiistii ka digtay in xiriirka Israel ee Ireland, Norway iyo Spain uu wajihi doono “cawaaqib xun.”

Katz ayaa qoraalkiisii Jimcaha ku cambaareeyey qoraal ay X soo dhigtay wasiirka shaqaalaha Spain, kana tirsan xisbiga bidixda fog, Yolanda Diaz, taasi oo ah qofka saddexaad ee ugu sarreeya dowladda Spain.

Ayada oo soo dhaweynaysa ku dhawaaqista aqoonsiga rasmiga ah ee Dowlad Falastiin, Diaz ayaa tiri: “halkan kuma ekaan karno. Falastiin waxay noqon doontaa xor, laga billaabo webiga ilaa badda.”

Oraahadan lagu taageero Falastiin ayaa loola jeedaa xuduudaha taariikhiga ah ee Falastiin ee gumaystihii Britain, taasi oo teedsan laga soo billaabo webiga Jordan illaa badda Meditareeniyaanka, ka hor inta aan la aas-aasin Israel 1948-kii.

Dadka dhaliila oraahdan ayaa ku macneeya in loola jeedo baabi’inta Israel.

Oraahadan “webiga illaa badda” ayaa waxaa mararka qaar loo adeegsadaa hal ku dhig Sahyuuniyad oo lagu doonayo Israel ballaaran oo teedsan isla dhulkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -