Booliiska Muqdisho oo xiray askari lagu eedeeyay Ammar diido iyo kicin bulsho

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir gaar ahaan saldhigga degmada Dayniile ayaa xiray askari katirsanaa ciidanka dowladda, kaa oo lagu eedeeyay in uu sameeyay kicin bulsho iyo ammar diido.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay soo xireen Cadaawe Cabdi Cali (Cadaawe Jiib), waxa ayna ku eedeeyeen in ammar maxkamadeed is hortaag ku sameeyay, sidoo kale kicin bulsho ku kacay.

”Eedeysanaha oo ah askari katirsan ciidamada qalabka sida ayaa ku eedeysan is hor istaag amar maxkammadeed, iyo ku lug lahaasho kicin bulsho, waxaana la horgeydoonaa maxkamadda ciidamada ee ku shaqada leh howlahaan” ayaa lagu yiri warka booliiska.

Cadaawe Jiib ayaa marar badan kasoo muuqday baraha bulshada, isaga oo kasoo horjeeday dhul boob lagu sameenayay dhul kuyaalla degmada Dayniile iyo degmada Hodan, waxaana xarigiisa la sheegay in siyaasad ku lug leedahay.

Ciidamada booliiska ee ka howlgala gobolka Banaadir ayaa maalmahan waday xarig loo geesanayo dadka ka hadla arrimaha qabiilka, sidoo kale ku kaca kicin bulsho, waxa ayna ciidamada xireen dad ku dhaw 50-qof oo maalmihii lasoo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -