Ciidamo katirsan Danab iyo Gorgor oo la geeyay Shabeelaha Dhaxe iyo Howlgal culus oo…

Ciidamo aad u tiro badan oo katirsan milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kumaandooska ee Danab iyo Gorgor oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gaaray degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada ayaa ka qeyb qaadanaya howlgalo dowladda federaalka Soomaaliya qorsheesay in ay ka bilowdo qeybo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhaxe, gaar ahaan deegaanada Al Shabaab ka joogaan gobolkaasi.

Ciidamadan katirsan kumaandooska Soomaaliya ayaa taageeraya ciidamo kale oo katirsan milatariga iyo kuwa deegaanka oo ku sugan gobolka Shabeelaha Dhaxe ,kuwaa oo iyana qaarkood dhawwaan ka baxeen Muqdisho.

Xildhibaano katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ku sugan degmada Cadalle ayaa ciidankan ku hoggaaminaya duulaanka Al Shabaab looga saarayo Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna ciidankan ku wajan yihiin deegaano hadda maamulaan Al Shabaab.

Beelaha Soomaaliyeed oo taageera ka helaya dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay abaabul dagaal ay kula dagaalamayaan Al Shabaab,  gobolka Hiiraan ayaana hormuud u noqday dagaalka dadka deegaanka uga soo horjeedaan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -