Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo dalal Carbeed kala hadashay deymaha ay ku leeyihiin dalkeena (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa intii uu socday shirka Wasiirada Maaliyadda Dalalka Carabta waxa uu shir gaar ah oo muhiim ah la qaatay madax ka kala socotay Dalalka Saudi Arabia, Qatar, Algeria, Imaaraadka Carabta iyo qaar ka mid ah maxda hey’adaha Maaliyadda Carabta oo ay ka mid yihiin Sanduuqa Abu-Dubai iyo Hey’adda Dhaqaalaha Carabta ee loo soo gaabiyo AMF.

Shirkaan ayaa u jeedkiisu ahaa sidii dhanka dalalka Carabta ay dowladda Soomaaliya ula meel dhigi lahaayeen deymaha dhankooda ah, maadaama dunidda inteeda kale ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya ay deynta ka cafiyeen.

Kulankan ayaa waxa uu qeyb ka yahay dadaalka dowladda ee lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ay dhaqaale ahaan u horumarto, iyada oo ay jiri doonaan kulamo gaar ah oo dal waliba oo carbeed gaar loola kulmi doono si loo xaqiijiyo dhameystirka qaabeynta deymaha Dalalka Carbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday iyo Masuuliyiin ka tacsiyadeesay

Cabdi Cade

Saraakiil dalka Dibadiisa lagu soo barayo hubinta Dukumintiyada been abuurka ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Mustafe: “Al-Shabaab albaab qaldan bay soo garaaceen”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---