Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Heshiisyo dowladda la gashay Imaaraadka iyo Kenya

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey, hindise sharciyeed, siyaasad, xeer iyo heshiisyo iskaashi oo kala ah;

1. Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka,
2. Siyaasadda Dowladda ee Bareyaasha Soomaaliyeed.
3. Xeer-nidaamiyaha qiimeynta saameynta deegaanka
4. Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya
5. Heshiiska Is-dhaafsiga dhiirigelinta iyo dhowrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta warbixin ku saabsan Duufaannada la saadaalinayo in ay ka dhici karaan qeybo kamid ah gobollada dalka, sidii loogu diyaar garoobi lahaa, dadka looga wacyigelin lahaa.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, ayaa golaha wasiiradda maanta warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo guulihii howlgallada lagu sifeynayo kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamo laga daad gureeyay Muqdisho oo la geeyay Deegaanka Basra

Cabdi Cade

Soomaaliya oo qaadacday qodobada ka soo baxay shir ka dhacay magaalada Nairobi

Cabdi Cade

Musharaxiin ka tanaasulay Doorashada xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---