Musharaxiin ka tanaasulay Doorashada xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Puntland

Waxaa saakay xarunta Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ka bilaabatay khudbadaha ay jeedinayaan musharaxiinta u taagan kuraasta Aqalka Sare ee Puntland ku leedahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa soo saaray liiska 22-Musharax oo u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee ku leedahay Puntland oo gaaraya 11-kursi, waxaana musharaxiinta isugu jireen kuwa la wato iyo kuwa malxiis u ahaa.

Qaar kamid ah musharaxiinta loo soo xulay in ay u tartamaan kamid noqshada Aqalka Sare ayaa Baarlamaanka Puntland kahor cadeeyay in ay ka tanaasuleen doorashada ayna fursad siinayaan musharaxiintii kale ay la tartameysay.

Hibo Isxaaq ayaa u tanaasushay musharaxii ay la tartameysay Senator Farxaan Cali Xuseen oo horey uga tirsanaa Aqalka Sare halka  Maxamed Geed Maxamuud uu u tanaasulay wasiirka dekedaha maamulkaasi, Mudane Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino).

Waxaa sidoo kale tartanka doorashada xubnaha Aqalka Sare ka tanaasushay Fartuun Yuusuf oo la tartameysay Musharrax Sareedo Jeyte, waxaa kale doorashada ka tanaasulay  Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa u tanaasulay Kowther Cabdullaahi Xersi.

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Puntland ayaana la filayaa in ay ka bilaabato xarunta Baarlamaanka Puntland marka ay soo dhamaato hadal jeydinta Musharaxiinta u taagan doorashada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -