Haweeney aflagaado iyo Hanjabaad u geesatay Madaxda dalka oo Muqdisho lagu xiray

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir gaar ahana saldhigga degmada Dharkeenley ayaa xabsiga dhigay haweeney lagu magacaabo Fartuun Nuur Maxamad , taa oo lagu eedeeyay aflagadao iyo kicin bulsho.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in haweeeydan lasoo xiray in aflagaado u geesatay madaxda dalka, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay ku kacday kicin bulsho iyo fitno abuur.

Booliiska ayaana sheegay in haweeneydan lasoo xiray ay hadda ku socdaan baaritaanno, waxa ayna tilmaameen in la horgeyn doono laamaha caddaalada si loogu qaado dambiga lagu soo eedeeyay.

Gabadhan maanta la xiray ayaa horey ugu baaqday beesheeda degta Dabdamiska in ay hubka soo qaataan lana dagaalaan dowladda, waxa ay sidoo kale sheegtay in Madaxweynaha dili doonto haddii uu Wisil yimaado.

Xarigga haweeneydan ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay lagu xir xiray Muqdisho dhallinyaro Tiktok caan ka ahaa, kuwaa iska horkeyn bulsho waday iyo sidoo kale dad dhigay bannaan-baxyo rabshado watay , iyo oday wax ka sheegay garsootka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -