Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo laga daad gureeyay Muqdisho oo la geeyay Deegaanka Basra

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 14-ka October ayaa laga daad gureeyay magaalada Muqdisho, waxaana la geeyay ciidankan deegaanka Basra ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Deegaanka Basra ayaa dhawaan xoog looga saaray dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo halkaasi saldhig ku lahaa, waxaana deegaanka hada la dejiyay ciidamo xoogan oo katirsan milatariga Soomaaliya.

Ciidamada 14-ka October ayaa degnaa xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdosho, waxaana la arkayay maalmihii lasoo dhaafay ciidankan oo wata gaadiid dagaal oo loo daad gurenayay deegaanka Basra.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ay wehliyaan ciidamo Mareykan ah ayaa Al Shabaab ka saaray deegaanka Basra oo ku dhaw degmada Balcad, waxaana dowlada qorsheesay in deegaankaasi la dejiyo ciidan si aysan mar kale Al Shabaab ugu soo laaban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqii magaalada Baladweyne oo xilka laga qaaday iyo Duq cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

Villa Soomaaliya oo go’aan culus qaadatay & Sargaal Shabaab oo hogaaminayay Ciidankii …!!

Cabdi Cade

Daawo Sawirro: Hormuud oo deeq gaarsiisay Maxaabiista Xabsiga Dhexe iyo Naafadda ciidamada Xogga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---