Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay danjire Kubai Iringo? (Sawirro)

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Kenya u joogo Soomaaliya Amb. Kubai Iringo.

Shirka ayaa lagu gorfeeyay xiriirka Soomaliya iyo Kenya waxana diirada la saaray arrimaha kobaca dhaqaallaha iyo sidii labada dhinac ay iskaashi u sameeyn lahaayeen.

Kulankan waxaa goobjoog ahaa Axmed Sheekh Nuur (Cirro) Wasiirka Wasaarrada Horumarinta Iyo Reer Miyiga Dowladda Hirshabeelle.

“Kenya waxa ay ka mid tahay dalalka xiriirka fiican la leh Soomaaliya waana sababta ay ganacsato badan oo Soomaaliyeed ay maalgashadeen.” ayuu yiri madaxweyne Guudlaawe

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa u mahadceliyay Dowladda Kenya iyo shacabkeeda.

Related posts

Ciyaaryahan Caan ah oo qaatay tababar ciidan kuna guuleestay abaal marin !! (Sawirro)

Cabdi Cade

Arooskii Sadio Mane oo dadka laga qariyay kana dhacay Masaajid iyo hadal heyn ka dhalatay

Cabdi Cade

13 Khalad oo dhinaca hab maamuuska qaranka oo dhacay mudadii qaabilaada R/Wasaaraha Itoobiya (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---