Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaan goor dhow lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Koox hubaysan ayaa waxay caawa magaalada Muqdisho ku dileen Xildhibaan Ibraabim Cabdi Cabdiraxmaan oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Koofur galbeed.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in dablayda ay oodda kaga qaadeen rasaas badan taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

Marxuunka la dilay ayaa la sheegay in maalmahaan dambe uu Magaalada Muqdisho u joogay howla shaqo, mana jirto illaa hadda cid sheegatay dilkiisa inkastoo falalka noocan ah looga bartay kooxda Al shabaab.

Ma jiro illaa hadda war ku saabsan dilka xildhibaanka oo ka soo baxay laamaha amaanka dowlada Somalia iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Related posts

Trump oo ciqaab adag ugu hanjabay Sacuudiga hadii ay ku cadaato dilka Khashoggi

Caydiid Ali

Xiliga Baarlamanka Somalia la horgeynayo heshiiskii DF & D/goboleedyada oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---