Dowladaha Somalia & Cuman oo yeeshay Wadahadal miro dhal ah (Sawirro)

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo booqasho shaqo oo rasmi ah ku jooga magaalada Muscat ee Dowladda Cumaan ayaa kulan miradhal ah la qaatay dhigiisa wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Mudane Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi.

Masu’uuliyiinta labada dal ayaa ka wadahadlay xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee laba dowladood, iskaashi dhinaca Kalluumesiga ah, in  laga wada shaqeeyo sidii labada dal ay isku dhaafsan lahaayeen fursadaha ganacsiga ee dhinaca Kalluumeysiga iyo in shirkadaha waaweyn ee Cumaan ay maalgashi ku sameeyaan Kalluumeysiga Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Mudane Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi ayaa uga mahadceliyey dhigiisa Wasiir Axmed Xassan Aadan aqbalaadda casuumaadii uu u fidiyey iyo sida wax ku oolka ah ee ay u wadaageen macluumaadka fursadaha Kalluumeysi iyo iskaashiga labada dowladood, waxaana uu  la wadaagay sida ay xukuumad ahaan diyaarka ugu yihiin iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga iyo in shirkadaha waa weyn ee dalkan ay maalgashi wax ku ool ah ku sameystaan Soomaaliya.

Wasiir Mudane Axmed Xassan Aadan oo ka mahadcliyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey ayaa sheegay dalkeennu uu furay albaabada Maalgashiga waxa uu si gaar ah uga hadlay dhinaca Kalluumeysiga isaga oo sheegay in jiraan sharciyo maxali ah oo la jaanqaadaya kuwa gobolka iyo caalamka kuwaas oo suuragal ka dhigaya in dalkeennu uu qaabilo maalgashadeyaal caalami ah si kor loogu qaado wax soosaarka Kalluumeysiga ee guud ahaan dalka.

- Advertisement -