Xogta kulan dhexmaray Wasiirka Difaaca Soomaaliya & danjiraha Ruushka (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Mikhail Golovanov

Waxaa uu kala hadlay xoojinta dadaallada socda  iyo taageerada dowladda Ruushka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka go’antahay in guud ahaan dalka laga ciribtiro kooxda al shabaab oo sida uu sheegay dhibaatada ku haya shacabka Soomaliyeed iyo guud ahaan Gobolka  isaga oo adkeeyay muhiimadda  ay Soomaaliya u leedahay taageerada saaxiibada caalamka ee ku aaddan gacan siinta arrimaha la xariira  dagaalka ka dhanka ah kooxdaas iyo dib u dhiska iyo qalabeynta  Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Mikhail Golovanov ayaa dhankiisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida isku duubnida ah ee ay u wajaheen inay dalkooda ka ciribtiraan al shabaab isagoo sheegay in ay Ruushka ka go’antahay taageerada Soomaaliya.

- Advertisement -