Warar dheeri ah oo ka soo baxaya dad shalay lagu laayey duleedka Muqdisho

Waxaa soo baxaya warar dheeri ah oo ku saabsan rag hubeysan oo shalay degaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho ku toogtay shan qof oo saddex ka mid ah ay isku qoys ahaayeen.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay in gaariga ay dadkaasi saarnaayeen joojiyeen kadibna kala degeen ka hor inta aysan mid mid u toogan, iyagoo kaliya fasaxay darawalkii gaariga waday.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay iney falkaas aad uga xun yihiin si xoog lehna u cambaareynayaan.

Waxaa uu sheegay in ciidamada amaanka oo baaritaano wada ay soo xireen ninkii darawalka ahaa ee waday gaariga ay la socdeen dadka la laayey, si su’aalo loo weydiiyo.

“Kooxihii weerarkaas geystay oo baxsaday waa la aqoonsaday, waxaana haatan ku raad jooga ciidamada amaanka anagoo rajeynayna in la soo xiro sharcigana la mariyo” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Barre oo ehelada dadka la dilay ugu baaqay iney isdejiyaan kana war sugaan baaritaanka socda.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in weerarkan uu salka ku hayo aano qabiil oo u dhexeysa labo maleeshiyo beeleed oo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayey degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -