Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Juballand oo digniin siisay Musharaxiinta doorashada Madaxweynaha Maamulkaas

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa digniin ka soo saaray doorashada madaxweynaha cusub ee maamulkaas isagoo la hadlayey saraakiisha ciidamada ee ka kooban Daraawiishta, Nabad-sugidda iyo Booliiska.

Wasiirka ayaa si faahfaahsan uga hadley inaysan ciidamadu qabiil iyo siyaasad midna shaqo ku laheyn ilaalinta amaanka dalka iyo dadkana ay shaqadoodu tahay waajibna ka saran yahay.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegey in aysan Jubbaland ka dhici karin sida hadda ka dhacdey magaalada Baydhabo oo ay dhawaan doorasho ka dhici doonto taasoo ay Dowladda federaalka ahi gaysey musharaxiin wata gaadiid iyo ciidan u gaar ah.

Wasiirka ayaa sheegey in qof kasta oo isu soo sharaxaya xilka madaxtinimada Jubbaland uu xor u yahay inuu yimaado magaalada Kismaayo isagoo aan ciidan iyo wax khalkhal galinaya amniga la socona u ka soo dego garoonka lana soo dhaweynayo.

Wasiirka ayaa sheegey haddii la isku dayo tan Baydhabo ka dhacdey oo kale in garoonka laga celin doono musharaxiinta noocaas u dhaqma amniga iyo xasiloonida Jubbaland-na aan looga indha qarsan karin shakhsi u soo diyaar garoobey khalkhal galinta amniga gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo shacabka Muqdisho ugu baaqay iney ka fogaadaan xarumaha DF

Caydiid Ali

Rooble iyo Madax kale oo Salaada Janaasada ku dukuday Meydka Xildhibaan Aamina (Sawirro)

Cabdi Cade

Maamule shaqadiisa ku waayay fal fool xun uu ku kacay iyo hadal heyn ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---