Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madax si ulakac ah loogu casuumay biyo Wasakheysan & Sababta ka dambeysa (Sawirro)

Dadweyne ku dhaqan degaan lagu magacaabo Karare oo ka tirsan gobolka Marsabit ee dalka Kenya ayaa caro xoog leh u muujiyay hoggaamiyeyaashooda, ka dib markii ay waxba ka qaban waayeen dhibaatooyin heystay muddo dheer.

Madaxda degaanka ayaa lagu eedeeyay iney dedaal ku bixiyaan waxyaabo aan muhiim ahayn, halka aysan isku howleynin arrimaha ku saabsan danaha dadweynaha ay hogaamiyaan.

Arrin la yaab leh ayaa dhacday ka dib markii Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha deegaanka la iskugu yeeray shir, waxaana loo geeyay caagado ay ku jiraan biyo wasakheysan si ay u cabaan.

Talaabadan oo aheyd mid cajiib ah oo looga careysan yahay inaan deegaanka laga hir galinin adeegyada biyaha nadiifta ah, sida uu shaaciyay telefishinka Citizen ee dalka Kenya.

Dadweynaha ayaa sheegay in muddo dheer ay madaxdooda ka codsanayeen in wax laga qabto biyo la’aan ka jirta halkaas, taasoo ku kaliftay iney biyo wasakh ah cabaan maadaama aysan heli karin biyo nadiif ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Soomaaliya iyo Kenya oo Heshiis Qarsoodi gaaray iyo Raychelle Omamo oo Muqdisho imaaneysa

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo Jabuuti ku taageereysa qorshe ka dhan ah Kenya (Sawirro)

Caydiid Ali

Magacyada Sadex nin oo dil geestay oo lasoo bandhigay iyo baadi goob loogu jiro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---