Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Danab oo fuliyay howlgal lagu laayay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab , ayaa xalay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday dagaallamayaal badan oo katirsan kooxda Al Shabaab ka fuliyay deegaanka Gariile oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud.

Saraakiil katirsan ciidanka kumaandooska Danab ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka ku beegsadeen saraakiil iyo dagaallamayaal katirsan Al Shabaab oo is aruursanayay, waxa ayna sheegeen in howlgalkaasi kooxda lagu gaarsiiyay khasaaro xooggan.

War lagu baahiyay warbaahinta afka ciidanka dowladda ku hadasha ayaa lagu sheegay in howlgalka ay fuliyeen ciidamada Danab looga dilay Al Shabaab 27-xubnood, waxaana ragga la dilay la sheegay in ay isugu jireen saraakiil iyo dagaalyahanno.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, ayaa mararka qaar fuliya howlgalo qorsheysan oo lagu beegsado goobo ay joogaan Al Shabaab, waxaana howlgallo marar badan dhacay lagu dilay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab ay ku jiraan saraakiil sar sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo cadaab ugu hanjabay kooxda Xamaas waqtina u qabtay

Cabdi Cade

Mareykanka oo gantaallada difaaca cirka u diraya Isra’il xilli laga cabsi qabo in…

Cabdi Cade

Garoobtii Cadaanka aheyd oo ka baxsatay Soomaaliya kadib markii uu furay ninkii qabay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---