Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad rakaab oo ku bur burtay magaalada Karachi iyo dad badan oo ku dhintay (Sawirro)

Diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Pakistan ayaa ku bur brtay magaalada Karachi , waxaana shilkan ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho oo soo gaaray rakaabkii saarnaa.

Warbaahinta dalka Pakistan ayaa ku warantay in diyaarada oo kasoo duushay magaalada Lahore ay ku bur burtay magaalada Karachi, walina lama shaacin sababta keentay bur burka diyaaradan rakaabka siday.

Dad ku dhaw 100-qof oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa diyaarada ayaa la sheegay in ay dhinteen, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in labo qof oo diyaarada wax ka saarnaa ay ka badbaadeen shilkaasi ayna waxyeelo soo gaartay.

Dowlada Pakistan ayaa sheegtay in la baarayo sababta keentay bur burka diyaaradan rakaaka siday, waxaana goobta shilku ka dhacay gaaray kooxaha gurmadka deg dega iyo saraakiisha baarista.

Diyaaradan rakaabka siday ee laheyd shirkada Pakistan Airline ayaa ku bur burtay xaafad dad degan yihiin, lamana shaacin wali in khasaaro ka baxsan dadkii diyaarada saarnaa uu shilkan diyaaradeed .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul katirsan maamulka G/Banaadir iyo Kulane Jiis oo Xildhibaano noqday (Sawirro)

Cabdi Cade

War Deg Deg Ah: Tirinta Codad doorashada oo soo dhamaatay (Akhriso sida codadka loo kala helay)

Cabdi Cade

(Akhriso) Taliska Booliska Soomaaliya oo iska fogeeyey eedeymo loo jeediyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---