Hooyo dib u heshay 30 sano ka dib wiilkeeda oo la afduubtay isagoo yar (Daawo Sawirro)

Hooyo ka soo jeeda dalka Canada ayaa dib ula midowday wiilkeeda oo laga afduubtay 1987-dii isagoo aad yar ka dib dedaal muddo dheer socday oo la sameeyey.

Jermaine Allan Mann ayaa waxaa qaatay aabihii isagoo 21 bilood jira markaas oo ay qorshaynayeen in ay booqdaan Toronto.

Wiilka iyo aabaha la dhuuntay ayaa magac aan kuwoodii rasmiga ahaa ahayn ku joogay Maraykanka muddo 31 sano ka badan markii aabaha lagu eedeeyay inuu isticmaalayey dokumanti la been abuuray, lana xiray.

Xarigan wuxuu dhaliyay in la soo afjaro dadaal ay booliiska labada dal ku baadigoobayeen wiilka yar ee la waayay 31 ka hor.

Jermaine Allan Mann oo hadda 33 jir ah ayaa hooyadii u sheegay in loo sheegay in hooyadii ay dhimatay isaga oo yar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com      

- Advertisement -